Thursday, July 17, 2025

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo isku dhacay.

Iska hor imaadka ayaa labada ciidan ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa saaka ku dhex maray magaalada Ceelwaaq, kadib markii ay kala shakiyeen oo mid waliba kan kale u qaatay inuu yahay Alshabaab.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo ahaa kuwa argagixiso la-dirirka oo watay saddex gaari ay indhaha soo xirteen, taasoo keentay in ciidamada Soomaalida ay uga shakiyeen Alshabaabnimo, kadibna waxaa dhex maray dagaal muddo kooban socday.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidmada Soomaalida oo magaciisa lagu sheegay Ilka-case. Xaaladda ayaa markii danbe qabowday waxaanba xiriiro ay sameeyeen labada dhinac laga wadahadlay shilka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON