Ciidamada Suudaan ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday goob ay deganaayeen bannaanbaxayasha dimoqraadiyad doonka dalka Suudaan ee kasoo horjeeda xarunta Wasaaradda Difaaca dalka Suudaan ee magaalada Khartoum.
Rasaas xoog leh ayaa laga maqlay goobta ay fadhiyeen dadka mudaaharadka wada, waxaana dab ka kacay teendhooyin ay halkaasi ka dhisteen oo in muddo ah ay ku jireen, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in ilaa 13 qof lagu dilay weerarkaasi, isla markaana dhaawaca uu ka badan yahay tobanaan kale.
Golaha Milateriga dalka Sudan ee talada haya ayaa sheegay in goobta la weerarray ay ahayd xarun ay galeen dad qas wadayaal ah iyo maxaabiis baxsatay, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadallo ay la yeeshaan kooxaha mucaaradka.
Weerarka dhiiggu ku daatay ee ciidamada gurmadka degdega ah ku qaadeen bannaanbaxayaasha waxaa cambaareeyay safiirada dalalka Yurub iyo Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo weerarka dadka mudaaharaadka wada.
Kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in Golaha milateriga talada haya ee dalkaasi uu isu bedelay gole keli-talis ah, isla markaana ay daadiyeen dhiigga dadweyne aan waxba galabsan, iyadoo joojiyey wixii xiriir ah oo ay la lahaayeen.







