Wararka laga helayo sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Suuriya ay si khalad ah u soo rideen diyaarad nooca sahanka milateriga oo Ruushku leeyahay.
Arrintan ayaa dhacday shalay markii ciidamada Isreal ay weerar ku qaadeen magaalada Ladiqiya ee dalka Suuriya, kadibna ay jawaab ka bixiyeen ciidamada cirka ee Suuriya iyagoo ka hortegay Gantaalaha ay rideen diyaaradaha dagaalka ee Israel, balse Gantaal ka mida kuwii difaaca ciidamada Suuriya ayaa haleelay diyaaradda milateri ee Ruushka oo la waayey markii dambe.
Diyaaradda shilku qabsaday ayaa ah nooca IL-20, waxaana saarnaa 14 milateriga Ruushka ka tirsan, waxayna wakaalada wararka Ruushka ee TASS ay sheegay in la waayey diyaaradda milateriga Ruushka oo howlgal sahan ah ka waday Badda Dhexe.