Wararka laga helayo Gobolka Amxaarada ayaa sheegaya in ciidamada Tigreega ay weerar Gantaallo ku qaadeen Garoomo ku yaalla magaalooyinka Bahirdar iyo Gonder.
Gantaalaha Rocket-ka ayaa ku dhacay degaano ka mida labada Bahirdar iyo Gonder, waxayna wararka laga helay dadka degaank Gobolka Amxaarada ay sheegeen inay maqleen qaraxyo waaweyn iyo rasaas dhaceysa.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Gobolka Amxaaradda ayaa lagu sheegay inay qaraxyo ka dhaceen magaalada Bahir Dar, gaar ahaan goobaha Mecod iyo magaalada Gonder, goobta lagu magacabao Azezo, iyadoo ay xaaladda gacanta ku hayaan ciidamada Amniga wax saameyn ahna aysan yeelan.
Ciidamada Tigreega ayaa muuqda inay sii xoojinayaan dagaalka, iyadoo maamulka Amxaaradda uu ku jiro dagaalka dowladda Federaalka ku qaaday Gobolka Tigray, iyadoo u dirtay ciidamo fara badan.