Monday, June 23, 2025

Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo dib u bilaabay howlgalladii Xaafadaha Muqdisho & Ururinta Dhalinyarrada

Ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ayaa dibn bilaabay howlgalladii ay ka sameyn jireen xaafadaha magaalada Muqdisho, kadib dhowr bilood oo ay hakadeen howlihii ciidamadaasi.

Habeenkii labaad ayay ciidamada xasilinta howlgal xoog leh ku qaadeen xaafado ka tirsan magaalad Muqudisho, iyadoo habeen hore iyo xalay ay ciidamadu galeen xaafado ka tirsan degmooyinka Shibis iyo Xamarweyne oo lagu soo qabqabtay boqolaal dhalinyarro ah.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda degmada Shibis ayaa sheegay in ay soo qabtayn in ilaa 100 qof lagu soo qabtay howlgalka ka dhacay degmada Shibis, iyadoo qaarkood la sii daayay, halka kuwo kale ay baaritaanno ku socdaan.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo batay magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka aanay ku guuleysan inay ka hortagaan falalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON