Sunday, July 13, 2025

Ciidamada xasilinta oo howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafad ka mida Magaalada Muqdisho

Ciidamada Xasilinta ammaanka caasimadda dib u bilaabay howlgalladii magaalada, iyagoo maanta howgal ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar loo qorsheeyay ayaa ciidamada xasilinta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodon, gaar ahaan agagaarka isbitaalka Digfer  ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka  ayaa sheegay in ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo Boolis ay howlgallo saacado qaatay ka sameeyeen xaafaddaasi, iyagoo  kusoo qabtay dad badan oo u badan dhalinyarro.

Ciidamo gaara oo Ingiriisku tababaray oo howlgal ka bilaabay

Hay’adaha ammaanka ayaan wax faahfaahin ah ka bixin howgalka maanta ka dhacay magaalada, waxaana goobahaasi ka dhacay falal hubeysan oo ay ugu danbeysay qoyskii agaasmaha Dahabshiil ee Koonfurta Soomaaliya lagu weeraray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON