Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa howlgal ballaaran xalay saqdii dhexe ka sameeyay degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafadda Xararyaale.
Howlgalkan oo ahaa mid guryaha loogu galay dadka xaafadaasi ayaa lagu soo qabtay dad fara badan la tuhunsan yahay iyadoo xabsiyada loo taxaabay, dadka degaanka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid kedis ah oo ay ka warheleen xilligii jiifka ciidamo go’doomiyay xaafadooda.
Ciidamada xasilinta ayaa xiray xaafadda Xararyaale, Suuqa Xararyaale illaa Isgoyska Filorenza, iyadoo muddo saacado ah ku jiray xaafadda soona qabtay boqolaal dad ah oo qaarkood markii dambe la sii daayay.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howgalka uu ahaa mid lagu beegsaday guryo bartilmaameed ahaa oo shaki soo galay, waxayna goobta ka tagaan xilli dambe.