Ciidamada Milateruga Soomaaliya ayaa howlgal kula wareegay degaano ka tirsan degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan markii ay Alshabaab isaga baxeen.
Degaanada labada dhinac ku dagaalameen ee ay la wareegeen ciidamada dowladda waxaa ka mida: Afcad, Ceelbacad, iyo Abooreey oo kala hoos taga degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi, waxaana dagaalka uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha ururka 41-aad ee guutada shanaad Dhamme Cabdulqaadir Cali Nuur ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay Al-shabaab dagaalka uga dileen illaa 13 dagaalame, kana furteen saanad iyo hub, isagoo aan sheegin qasaaraha dhinacooda soo gaaray.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab, wuxuuna dagaalkani imaanayaa iyadoo dhowaan Taliska qeybta 27aad ee militeriga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan uu shaaciyey inay bilaabi doonaan howlagal ka dhan ah ururka Al-shabaab.
