Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay degaano cusub oo ay Alshabaab ka talinayeen, kuwaasoo ku yaalla xadka labada Gobol ee Shabeellooyinka, kadib howgal ay halkaasi ka fuliyeen.
Tuulooyinka Kaxarey, Busley iyo degaano la xiriira ku teedsan yaalla xuduudda gobollada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe ayay saacdihii ugu danbeeyay la wareegeen ciidamada dowladda, kadib iska hor imaad ay la galeen maleeshiyada Alshabaab, sida uu sheegay G/sare Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo ah Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka.
Wuxuu sheegay inay ciidamada la wareegeen dhammaan tuulooyinkaas, ayna sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, wuxuuna intaas ku daray in dagaalka dhex maray Alshabaab ay ku gubeen gaadiid maleeshiyaadku ay lahaayeen.
Taliyaha ayaa caddeeyay in maleeshiyada Al-shabaab ay dhibaato weyn ku hayeen shacab degaanadaasi oo lacago baad ah ay ka qaadan jireen, ayna ciidamadu xoojin doonaan xoreynta degaanada ay Alshabaab uga sugan yihiin labada Gobol.