Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degaan muhiim ah oo ka tirsan Hiiraan

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay la  sheegay inay la wareegeen degaanka Buurweyn ee ka tirsan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan kadib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Alshabab ee ku sugneyd.

Gudoomiyaha degmada Buulaburde C/casiis Duuroow Cabdi ayaa sheegay in Buur-weyn ay ahayd goob maleeshiyada Al-Shabaab ay dadka ku dhibaateyn jireen, isla markaana deegaanka laga eryay  oo hadda xaaladu degan tahay.

degaanka Buurweyn oo u dhaxeeya degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuloburte waxaana in muddo ah gacanta ku hayay Alshabaab, waxaana dhowaanahan degaanadaasi  ka socday howgallo looga saarayo Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON