Monday, July 14, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka oo u dabaal degaya sanadguuradii 58-aad ee asaaskooda & Madax ka qeyb galeysa

Waxaa maanta loo dabaal degayaan Munaasabadda xuska 58-guuradii  ee aasaaska Ciidamada xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April.

Madaxweynaha iyo Madaxda ugu sareysa dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan munaasabaddan maalinta qiimaha badan ee 12-ka April oo sanad kasta xiligan oo kale ay u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay munaasabadda maanta ka dhaceysa Muqdisho ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar. Madaxda Qaranka ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON