Ciidamada Xoogga dalka ayaa yeeshay Afhayeen ay toos ula xiriiri doonaan Warbaahinta, kaasoo u qaabilsan inuu ku hadlo codka Ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada Milateriga Col. C/qani Shabeel ayaa warbaahinta gaarka loo leeyahay ka dalbaday inay kala soo xiriiraan wixii ku saabsan arrimaha ciidamada, isla markaana wada-shaqeeyaan, wuxuuna ku baaqay in laga hortego wararka dacaayadda ah ee laa sii daayo warbaahinta.
“Laga bilaaboo maanta wax allaale wixii aad uga baahan ciidamada qalabka sida, waxaad kala soo xiriireysaan xafiiska afhayeenka ciidamada..si looga fogaado wararka borobogaandada ah..” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Xoogga dalka.
Wararka milatariga Soomaaliya iyo howlgalalda ay fuliyaan ayaa ahaa kuwo aan a helin, waxaana inta badan hareeya wararka ay faafiyeen Alshabaab, taasoo keentay in afhayeen loo sameeyo ciidamada Milateriga.