Wararka laga helayo degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in la qaboojiyey xiisad milateri oo ka taagneyd halkaasi, kadib markii ay farageliyeen odayaasha dhaqanka ee degaanka.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa isku dhac qarka u saarnaa ciidamadii uu dowladda Federaalka ku wareejiyey Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo ciidamada dowladda, kadib markii ay ciidamadaasi gadood sameeyeen, iskuna dayeen inay qaarkood ka dhoofaan Garoonka Doolow.
Odayaasha dhaqanka ayaad dhex galay xaaladda ciidamada ku wada sugan Doolow, waxayna xal ka gaareen cabashada ciidamada hore u taabacsanaa C/rashiid Janan ee lagu wareejiyay dowladda, iyadoo dhinacooda laga qaaday Gaadiidkii dagaalka ee ay heysteen, loona ballan qaadya in la siinayo mushaarka iyo gunnooyinkii ka maqnaa.
Dowladda Federaalka ayaa laba dalbaday inay ciidamadaasi siisodhamaan xaquuqdooda si toos ahna loogu daro ciidamada dowladda. C/rashiid Janan ayaa dhinaciisa sheegay inay jirin ciidamo uu leeyahay, balse ay yihiin ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.
Arrintan ayaa salka ku heysa khilaafka dhex maray C/rashiid Janan iyo Maxamed Farmaajo oo keenay inuu u wareego dhinaca Mucaaradka, isagoo Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan Kursi ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.