Sunday, July 13, 2025

Ciidamadii cusbaa ee la geeyay Gedo oo Hub loo qeybiyey, lana geeyay xuduudka Beledxaawo (Sawirro)

Ciidamo nooc cusub ah oo isniintii ay dowladda Soomaaliya ka dejisay garoonka Doolow ee Gobolka Gedo ayaa loo qeybiyey hub, waxaana loo daabulay degmada Beledxaawo ee Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadan oo dareyskoodu ka duwan yahay ciidamada kale, isla markaana ku lebisan dhar cagaaran ayaa wararku sheegeen inay yihiin ciidamadii qarsoodiga ahaa ee lagu soo tababarray dalka Eritrea, waxaana warar kala duwan kasoo baxeen waxa ay ciidamadaasi yihiin iyo qeybta ay hoostagaan.

Hub cusub oo isugu jira qoryaha AK-47, BKM iyo Garneylo ayaa loo qeybiyey ciidamadan, waxaana la geeyay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ee Beledxaawo oo ay ka howlgeli doonaan.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo shirkii IGAD ee dalka Jabuuti lagu heshiisiiyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, oo dib u soo celinaya xiriirkoodii diblomaasi.

Image may contain: 2 people, people standing, hat and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing and outdoor
Image may contain: people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON