Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu magaalada Muqdisho ka saaray ciidamo milateri ah oo kumanaan gaaraya.
Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Jen. C/llaahi Caanood ayaa sheegay in 1500 askari oo milateri ah laga saaray caasimadda, taasoo qeyb ka ah amarradii amniga ee ka soo baxay Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
General C/llaahi Cali Caanood Ammaan-duulaha Ciidanka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu hogaaminaayo Ciidanka waxaana la geeyay Saldhigga Balli-doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Ciidanka laga saaray Muqdisho ayaa u badan ciidamadii Gadoodka sameeyay shalay ee xiray xarunta wasaaradda Gaashaandhigga. General Caanood uu ku dhaawaqay in ciidankaan ay ka qeyb geli doonaan howlgal looga Soo horjeedo Al-shabaab oo dhawaan bilaaban doona.
Goobjooge.com