Ciidamo ka yimid dalka Nigeria ayaa ka mid noqday Booliska AMISOM, iyadoo ciidamadan cusub loo soo gabagabeeyay tababar ku saabsan shaqada Booliska AMISOM, xaaladda Soomaaliya iyo dhaqanka dadka Soomaalida.
130 askari oo Nigeria ka socda ayaa dhowaan dalka yimid, iyagoo ka mid noqonaa Booliska AMISOM ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, waxayna ilaalin doonaan Doorashada Soomaaliya ee aakhirka sanadkan la filayo inay dalka ka dhcdo. Waa tiradii ugu badneyd ee hal dal uu ku biiriyo Ciidamada Booliska AMISOM oo ka duwan kuwa Milateriga.
Taliyaha ciidamada Booliska AMISOM Gen. Augustine Kailie ayaa kula dardaarmay ciidamadan cusub ee ka yimid Nigeria inay ku shaqeeyaan si hufan oo ay ilaaliyaan xeerarka iyo sharciyada howgalka ciidamada Booliska AMISOM.
Ciidamadan cusub ee Booliska ka socda Nigeria ayaa muddo sanad ah ka howlgeli doona magaalada Muqdisho, waxaana howlahooda ka mida taageerada howlgallada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sugidda amniga goobaha muhiimka ah, ilaalada munaasabadaha waaweyn, sida doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Taliyaha ciidamadan cusub Shehu Ahmed Gani, ayaa sheegay in wax badan ka faa’iideysteen tababarka loo qabtay, isagoo u mahad celiyey taliska ciidamada Booliska AMISOM.
Booliska AMISOM waxay kala socdaan dalalka: Uganda, Nigeria, Kenya, Ghana, Seiraleone iyo Zambia, waxayna tiradoodu gaartay 200 ilaa 250 askari.



