Wednesday, July 2, 2025

Ciidamadii Itoobiya oo ka baxay Tiyeglow & magaalada loo banneeyay Alshabaab

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ka baxeen degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Itoobiya oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay u digay maamulka degmada uma caddeeyay inay ka baxayaan degmada, taasoo keentay walaac iyo cabsi soo wajahday saraakiisha dowladda iyo dadka degaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dibadda uga baxeen magaalada iyadoo ay hore u sii raaceen, saarkiishii iyo ciidamadii dowladda, maamulka degmada iyo dadweyne fara badan.

Dhinaca kale saraakiisha u shaqeeya hay’adaha  samafalka ayaa iyagana ka baxay degmada, waxaana magaalada loo banneeyay Alshabaab oo lagu soo warramayo inay duleedka degmada Tiyeglow hoganayaan ayna isu diyaarinayaan inay la wareegeen magaalada.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa Tiyeglow ka qabsaday kooxda Alshabaab bishii Ogost 2014, waxaana laba sano kadib ay xaaladii isu bedeshay in loo banneeyo Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON