Xaalada ayaa deganaan ku soo noqotay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo hadda xarun u ah mamaulka Galmudug, iyadoo ay duleedkeeda ku dagaalameen saaka ciidamo ka wada tirsan milateriga qeybta 21-aad Soomaaliya oo dagaalkoodu socday muddo kadibna isla soo galay gudaha magaalada cadaado.
Guddoomiyaha Magaalada Cadaado Cabdiraxmaan C/llaahi Tootoole ayaa sheegay iny aad uga xun yihiin in ciidamada dowladda dagaalamaan oo dagaalkoodu soo galo gudaha, wuxuuna ugu baaqay saraakiisha ciidamada dagaalmay inay san soo gelin magaalada oo aanay qasaare u keenin dadka shacabka ah.
Wararkii ugu danbeeyay ee Cadaado naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee dagaalku dhex maray ay isku qabteen mushaar loo qeybinayay ciidamada oo qeyb kale oo aanu soo gaarin mushaarkaasi ama garaamka ay isku dayday inay boobto lacagtii mushaarka ciidamada.
Qasaaraha rasaastii la is weydsaarsada ayaa la sheegay in qof ku dhaawacmay, waxaana xaalada dib ugu soo laabatay caadi iyadoo mas’uuliyiin badan ay kala dhex galeen ciidamada isku dhacay.
DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA DEGMADA CADAADO
Goobjooge.com