Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa la isugu geeyay ciidamadii ugu faraha badnaa oo isugu jira milateri iyo Boolis, iyadoo xalay ciidamo kale ay gaareen, halkaasina uu ka socdo baaritan Guri Guri loo baarayo degmadaasi.
Dadka Afgooye ku sugan ayaa sheegay in ciidamadii dowladda la isugu keenay degmada Afgooye, waxaana la sheegay in amniga si weyn loo sugay, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu halkaasi tegi doono maanta.
Ciidamada dowladda ka sokow waxaa Afgooye gaaray ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ka socda AMISOM, kuwaasoo ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmajo ayaa Afgooye tegay laba bilood kadib marki xilka loo doortay ah ku beegan May 2017, waana markii labaad ee uu Afgooye booqasho ku tago.