Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maalintii saddexaad ay magaaladaasi ka socdaan bannaanbaxyo rabshado wata oo looga horjeedo xariga Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa musharixiinta K/Galbeed ee Soomaaliya.
Ciidamo aad u faro badan ayaa la dhigay wadooyinka magaalada, iyadoo ciidamada ay xaafadaha qaarkood dadka ku qasbayaan inay dhagxaanta iyo birraha ka nadiifiyaan Wadooyinka magaalada Baydhaba, ciidamada ayaa u badan Booliska dowladda Soomaaliya ee la geeyay magaaladasi.
Dadka bannaanbaxa wada ayaa burburin ku sameeyay baallooyinka nalalka ee wadooyinka, waxaana meelaha qaar laga maqlay rasaas dhaceysa, iyadoo xaaladu ay cakiran tahay.
Waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada Baydbaba, waxaana kaliya furan isgaarsiinta loo adeegsado internetka.
Ciidamada Itoobiya oo shalay galabnimadii la geeyay wadooyinka magaalada Baydhaba ayaa xalay dib looga saaray, waxaana socdaal la isku dayayo in magaalada lagu soo celiyo xaalad caadi ah, taasoo ay ka horjeedaan taageerayaasha Mukhtaar Roobow.