Friday, June 27, 2025

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb,  gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo  ka tirsan Maamulka la magac baxay Gobolada Dhexe ee ka tirsan isla Ahlusunna ay la wareegeen Magaaladaasi oo xarun ah maamulka Ahlu suna.

Ciidanka oo Gadoodsan ayaa Rasaas ku furay mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna  oo xarunta degmada ku sugnaa, waxayna kala eryeen  dhamaan saraakiishii Ahlu suna iyagoo si buuxda ula wareegay gacan ku haynta xarunta taliska degmada.

Sababta keentay in ciidanku godoodaan ayaa  lagu sheegay  gaadiid laga kireeyay hay’aadda IRC iooay isku heystaan mas’uuliyiinta kooxda Ahlu sunna.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay kacsan tahay, waxaana dadaal lagu qaboojinayo xiisada wada madaxda sare ee Ahlu suna.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON