Ciidamado gadoodsan ayaa la wareegay xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado iyo xarumo kale.
Ciidamadan oo isugu jira kuwa nabadsugidda iyo ciidamo kale ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan., waxayna xarunta madaxtooyada ee magaalada Cadaado xayiraad ku saareen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey.
Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka uu maanta doonayay inuu ka dhoofo magaalada Cadaado, basle ay ciidamada gadoodsan ka hor istaageen inuu safro.
Goobjooge.com