Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xirtay xarumaha maamulka, iyadoo ka soo baxay aagga Godad ee ay ku sugnaayeen, waxayna xireen xarumo ay ka mid yihiin Bankiga, Wasaaradda Maaliyadda iyo Dhisme loo sameynayo madaxtooyada magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha ciidanka gadooday ayaa sheegay in muddo dheer warar been ah loo sheegayay oo loo fulin waayay balankii loo qaaday, wuxuuna caddeeyay in muddo 7 bilood ah aysan qaadan mushaar ujeedkooduna yahay inay la siiyo mushaarkooda.
“Haddii si degdeg ah dowladdu tallaabo u qaadi weydo, meelihii dhaqaalaha yiilay waa joogaan” ayuu yiri taliyaha ciidamada gadooday isagoo ku goodiyay inay tallaabo qaadi doonaan. Waxaa soo noqnoqday cabashada ciidamada Puntland, waxayna gadoodka ka dhacay Gaalkacyo uu imaanayaa iyadoo uu magaalada ku sugan yahay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]