Tuesday, July 15, 2025

Ciidamo gadoodsan Puntland oo qabsaday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga magaalada….

Wararka laga helayo degaanada Puntland ayaa sheegaya ciidamo gadoodka oo ka tirsan maamulka Puntland ay qabsadeen xaruntii Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga ganacsiga magaalada.

Ciidamdan oo ka tirsan tirsan Ciidanka Birmadka dowladda Puntland ayaa saaka la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga magaalada Qardho, iyagoo shaqaalihii xarumahaasi ku amray inay isaga baxaan xafiisyada.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushahar la’aan muddo ka badan saddex bilood, waxayna doonayaan inay cadaadis ku saaraan xukuumadda C/weli Gaas inay degdeg u siiso mushaarkooda.

Waxaa socda waanwaan lagu doonay in askartaasi looga saaro xarumaha ay qabsadeen, iyadoo wakiilo ka socda wasaradda Maaliyadda ay saraakiisha ciidamadaasi u sheegeen in qeyb ahaan la siinayo mushaarka ka maqan, balse ay ku gacan seyreen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON