Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ayaa guriga uu degan yahay ku go’doomiyeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug.
Ciidamada ayaa la sheegay inay ku waabariisteen saaka Guriga Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxaana ciidamada qaarkood oo wejiyadooda ay qarsan yihiin ay diideen in Guriga la galo ama laga baxo.
Guddoomiye ku xigeenka Xareed Cali Xareed ayaa saxaafadda u sheegay in gurigiisa ay ciidan ku hareereysan yihiinm loona diiday in uu banaanka uga baxo Gurigiisa.
Tallaabadan ayaa ka danbeysay olole mooshin xil ka qaadis madaxweyne oo guddoomiye ku xigeenka ku talo baxay, kaasoo muddooyinkan ka soday magaalada Cadaado, waxaana arrintan ay keentay in xabsi guri la geliyo Xareed Cali Xareed.
Goobjooge.com