Ciidamo huwan ah oo ka kala socda dowladda Soomaaliya, Maamulka Jubba, Mareykanka iyo AMISOM ayaa weerar ku qaaday saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ku lee yihiin deegannada gosha ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo ahaa mid aan loo kala harin ayaa wararku sheegayaan inuu dhaliyay qasaare dhimmasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhacay degaamada Buulo-gaduud, Baar iyo Burkooy, waxaana la sheegay in la burburiyay saldhigyadii Alshabaab.
Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay miino ku xirtay isla markaana ay jartay buundadii Wirkooy oo ahayd buundo looga gudbi jiray wabiga Jubba.
Faahfaahin qasaaraha dagaalka ayaan weli soo bixin, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan ku dhawaaqday in howgal ka dhan ay Alshabaab laga bilaabi doono Jubooyinka.
Goobjooge.com