Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qabsaday Xarunta Amal ee Garowe

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo ilaalo u ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/xakiim Cumar Camey

ay saaka weerar ku qaadeen ayna qabsadeen xarunta shirkadda Bankiga iyo  Xawaalada Amal ee Garowe.

Ciidamadan ayaa al sheegay inay yihiin ilalaada gaaka ah ee  Madaxtooyada Puntland oo uu leeyahay  madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxayna saaka la wareegeen Xarunta Amal Bank ee Garoowe, Waxaa goonta lagu arkayay Gaari tikniko ah iyo ciidanmo kuwaasoo joojiyay shaqadii shirkadda.

Madaxda Amal ee Garowe ayaa laga soo xigtay  in arrintan ay salka ku heyso  lacag uu shirkadda ka dalbaday in la siiyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Mudane Camey, lacagtaasi oo shirkadda  Amal Bank ay ka cudur daaratay inaysan bixin karin, taasoo keentay inuu weerar ku soo qaado.

Tallaabadan ayaa muujineysa sida maamulka Puntland iyo madaxdiisa ay ugu dhaqmaan baad iyo lacago sharci darro ah oo ay ganacsatada ka qaataan, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON