Sunday, July 13, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeda degmooyinka Alshabab ka taliyaan ee Galgaduud

Ciidamadii ugu badnaa oo Itoobiyaan ah ayaa ku sii jeeda degaanada Ceeldheer iyo Galhareeri oo ka mida degmooyinka ay ku harsan gacanta Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ah oo wata in ka badan 50 baabuurta xamuulka iyo kuwa dagaalka ah ay ay isku aruursadeen duleeedka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo kadibna u dhaqaaqay Degaanada Ceel-dheer iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Guluf cusub oo ciidamada Itoobiya ka bilaabayaan gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ujeedkiisu yahay in Alshabaab looga xoreeyo labadaas degmo.

Ciidamo kale oo hore ugu sugnaa  Ceel-buur  ayaa iyaduna bilaabay dhaqdhaqaaq kale oo isla qorshahan dagaal ku saabsan.

Alshabaab ayaa saldhigyo waaweyn ku leh degmooyinka ay hadda ku sii jeedaan ciidamada Itoobiyaanka, waxaana saldhigooda ugu weyn uu yahay degmada Xarardheere. Alshabaab ayaa dhinacooda la sheegay inay dhaqdhaqaaq iska caabin ah bilaabeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON