Ciidamada Itoobiya ayaa degaanka Beer-xaano ee duleedka magaalada Beledweyne ku dilay oday 85 sano jir ah iyo wiil uu dhalay.
Falkan ayaa ka dahcay Beerxaano u dhexeysa Magaalada Baledweyne iyo Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo dhowaan ay iska hor imaadyo xiriir ah ku dhex mareen ciidamada Itoobiyaanka iyo Alshabaab.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socday Magaalada Baledweyne ayaa la sheegay in Qarax miino uu haleelay, xilli ay mareyeen degaanka Beer-xaano, waxaana la sheegay inay dgteen oo ay falkan dilka ah kula kaceen Wiilka iyo Aabihiis oo ka mida dadka Degaanka.
Ilo ku sugan degaankaasi ayaa sheegay in dadka la dilay ay kala yihiin Shidane Axmed Xaashi iyo Axmed Xaashi Tuurow 85 sano jir ahaa, waxayna ciidamada Itoobiya ku dileen Gurigooda oo in yar u jira goobta qaraxu ku qabsaday.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo careysnaa ay jirdil u geysteen dad fara badan oo degaankaasi ku nool.
Goobjooge.com