Tuesday, June 24, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo si lama filaan ah ula wareegay Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado

Ciidamo Itoobiyaan oo wata gaadiidka dagaalka, si weyna u hubeysan ayaa maanta la wareegay garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Ciidamada Itoobiya ee  la wareegay garooonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ayaa la sheegay inay wateen  8 Gawaaridda Gaashaaman ee dagaalka, waxayna si lama filaan ah uga saareen garoonka oo goob cayiman isugu  geeyeen ciidmadii maamulka Galmudug ee garoonka ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka ciidamadaasi Itoobiya ay tahay inay  sugaan ammaanka wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo lagu wado inay maalinta Beri ah tagaan Magaalada Cadaado, wafdigaas oo ujeedkoodu yahay inay heshiis la galaan Maamulka Galmudug oo ku saabsan dagaalka lala galo Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON