Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo tallaaba gobolka Hiiraan ay ku soo wajahan yihiin degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.
Waxaa socda dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemay Alshabaabka ku sugan degmada Aadan-yabaal, dadka degaanka ayaa sheegau in  dagaalyahanadii Al-Shabaab ay intooda badan ka baeen degmada, waxaana halkaasi xaalad dagaal oo laga cabsi qabo in weerar uga yimaado dhinaca ciidamada Itoobiyaanka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay saldhig weyn ku laheyd degmada saraakiishooda sare ee u qaabilsan degaanada gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo ay dib ugu gurteen maleeshiyadii ka baxday degaanada kale ee Gobolkaasi.
Waa markii ugu horeysay ee ciidamo Itoobiyaan ah ka howlgalaan gobolka Shabeelaha Hoose tan iyo sanadkii 2007 oo Koonfurta Soomaaliya ay kala wareegeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa, waxayna tani sidoo kale faragelin ku noqoneysa qeybta AMISOM ee ka howolgasha Shabeelaha Dhexe (Qeybta Koowaad) ee ciidamada Burundi oo Shabeelaha Dhexe qaabilsan.
Goobjooge.com