Monday, July 14, 2025

Ciidamo ka goostay Puntland oo taageeray Dowladda Somaliya & Gobolka ay ka taliyaan oo…

Ciidamo ka tirsanaa Puntland ayaa shaaciyey inay ka goosteen maamulkaasi ay ka ka taliyeen Gobolka ay Puntland sameysay ee Gardafuu (Degmada Caluula iyo degaano kale), waxayna caddeeyeen inay ku biirayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muuqaal ay soo duubeen saraakiisa ciidamadan ayaa baraha bulshada lag baahiyey, waxaana ka muuqda ciidamo ku lebisan dharka Milateriga oo hubeysan, waxayna ku dhawaaqeen inay ka baxeen Puntland oo ay ka cabanayeen cadaallad darro.

Saraakiisha ciidamadan ayaa u digay madaxweynaha Puntland inuu isku dayo inuu awood ku maquuniyo, waxayna ka hor yimaadeen ciidamada Imaaraadku wato ee Gobolkooda ay ka howlgelisa maamulka Puntland.

Waxay ciidamadan caddeyeen inay yihiin Ciidamo Soomaaliyeed oo taageersan Dowladda Federaalka, isla markaana Gobolkooda uu hoos tegayo dowladda Federaalka.

Lama oga in arrintan ka mid tahay dagaal hoose oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland oo ay abaabushay dowladda Federaalka iyo in kale, laakiin Madaxweynaha Puntland ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Federaalka inay kicineyso beelaha Puntland si ay uga hor yimaadaan maamulkooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON