Thursday, June 26, 2025

Ciidamo ka tirsan ilaalada degaanka ee Minishiibiyo oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

Ciidamada ilaalada degaanka Gobolka Banaadir ee loo yaqaan Minishiibiyada ayaa ku dagaalamay magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa maanta ka dhacay degmada Dharkeyley ee magaalada Muqdisho, kadib markii muran ka dhashay canshuur uu dhex maray ciidamada ilaalada degaanka, kasoo isu bedelay iska hor imaad qasaare dhaliyay.

Askari ayaa ku dhintay rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada, iyadoo laba kale ay ku dhaawacmeen, kadib iska hor imaadka, waxaana askarigii dilka geystay gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta gaaray.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamo ka wada tirsan minishiibiyada ay dhexdooda ka dagaalamaan, iyagoo hore u ahaa ciidamo aan hubeysneyn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON