8 Askari ayaa ku geeriyooday Qarax Miino dhulka lagu aasay oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Wararka ayaa sheegay Qaraxa oo ahaa mid xoog leh uu dhaliyey inuu burburo Gaariga ciidamada, iyadoo ay gebi ahaan gubteen gaariga iyo ciidamadii la socday ee miinada la qaraxday, waxaana ku dhintay 8-dii askari, iyadoo la waayey hubkii gaarigu saarnaa.
Gaariga ay miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.
Ciidamadan qaraxu qabsaday ayaa ku jiray howlgal xaqiijinta amniga degmada Dhoobley. Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugnaa degaankaasi ayaa maalmo ka hor ka tegay, isagoo ku laabtay magaalada Kismaayo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in ciidamada la qarxiyey ay bas beeleen, iyadoo halkaasi loo diray ciidamo soo ururiya haraagooda.