Wednesday, June 25, 2025

Ciidamo ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo ku dagaalmay bartamaha Magaalada Baydhaba

Ciidamo ka wada tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay bartamaha magaalada Baydhaba ee afar irdoodka kadib markii khilaaf soo kala dhex dalay.

Dagaalkan oo keenay in lagu kala cararo magaalada ayaa waxaa ku dhintay 3 ruux oo midkood yahay askartii dagaalameysay iyadoo 4 kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo boolis ah ayaa soo gaaray goobta markii dagaalku dhacay kadib, waxaana xaalada ay ku soo noqotay si caadi ah iyadoo qasaare ka soo gaaray dad shacab ah.

Akarta dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada ayaa caadiyan ku dhex dagaalama shacabka dhexdood iyadoo sababa dhimasho iyo dhaawac, waxaana ugu dambeysay ciidamo ku dagaalamay isniintii magaalada Cadaado ee GalMudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON