Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia lagu qarxiyey duleedka magaalada Balcad, kadib markii Bam loo geliyay wadadda ay ku qaraxday.
Gaariga la qarxiyey ayaa la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartat ciidamadii la socday, waxaana qaraxu ka dhacay inta u dhaxyesa tuulooyinka Gololey iyo Qalimow, iyadoo lasoo weriyay in askari ku dhintay, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxayna ciidamadan ka mid yihiin askar dhowaan la dejiyey degaanka Haan-Sheekh.
Alshabaab ayaa ku sugan tuulooyinka degmada Balcad ee wadadda u dhow, waxayna qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah ka fuliyaan wadadda isku xirta Balcad iyo Jowhar, iyadoo muddooyinkii danbe ay yaraadeen weerarrada markii halkaasi la geeyay ciidamo milateri ah.