Sunday, June 29, 2025

Ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia oo loo xiray tababar ku saabsan la-dagalaanka Argagixisada [Sawirro]

Ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa loo soo xiray tababar ku saabsan la-dagaalanka argagixisada oo uu soo qabanqaabiyey Midowga Yurub.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/weli Jaamac Xuseen Gorod, ayaa  tababarka u soo xiray cutubyada ka tirsan Ciidanka XDS oo ku jiray dugsiga tababarka ee Jen. Dhega-badan.

Munaasabad balaaran oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka, ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka,  Saraakiil Ciidan,  masuuliyiin ka socday dowladdaha Italy Swedan iyo saraakiil ka tirsan Amisom.

Taliyaha Dugsiga tababarka ee general dhaga badan Gen. Maxamed Maxamuud Saneey oo munaasabadda ka hadlay,  ayaa sheegay in ciidamadda maanta tababarka u dhammaaday la baray la dagalaanka Argagixisada iyo arrimo kale.

Madaxa Tababarka Midowga Yurub  ayaa Ciidamadda xoogga dalka ku dhiira geliyay howlgalada Alshabaab ee dalka looga saraayo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed S/gaas cabdi Wali Jaamac, ayaa waxuu munaasabadda ka sheegay in Argagixisada ay dhibaato ku yihiin Aminga dalka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya dadaal adag ay ugu jirto dhismaha ciidamadaQaranka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON