Thursday, July 17, 2025

Ciidamo ka tirsan Puntland oo jirdil kula kacay tifaftiraha Radio Daljir, Garowe

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay jirdil kula kaceen tifaftiraha guud ee Radio Daljir Cabdifitaax Cumar Geeddi, iyagoo ku weeraray agagaarka shirkada isgaarsiinta Golis ee magaalada Garowe.

Goobta tifaftiraha Radio Daljir lagu dilay ayaa la sheegay inay tageen oo arrinta dhex galeen ilaalada shirkadda isgaarsiinta Golis iyo dadwayne, waxaana la sheegay inay Tifaftiraha ka badbaadiyeen ciidamada.

Tifaftiraha Radio Daljir C/fitaax Cumar Geeddi ayaa sheegay in loo geystay jirdil, isla markaana uu dareemayo xanuun, balse aanu jirin dhaawac  weyn oo gaaray,  sidoo kalena ciidamada soo weeraray ay gaarigiisa waxyeelo gaarsiiyeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON