Thursday, June 26, 2025

Ciidamo ka tirsan Puntland oo qabsaday Xarunta Bankiga Dhexe ee Waqooyiga Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay la wareegeen  Xarunta Bangiga dhexe ee waqooyiga magaaladaasi.

Ciidamadan oo ah kuwa Daraawiishta ayaa u diiday shaqaalaha Bankiga inay shaqadooda wataan waxayna xireen agaagarka Bankiga, iyadoo  la sheegayaa inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan heysatay dhowr bilood.

Waxaa xiran Wadooyinka gala Bankiga ilaa Garoonka Diyaarada Gaalkacyo, waxaana gebi ahaan hakaday shaqadii Bankiga.

Ciidamada Puntland ayaa si is daba joog ah u sameeya gadood noocan oo kale ah iyadoo marka laga saaro goobo dowladeed oo ay qabsadaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON