Iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhashay dabley watay Mooto Bajaaj oo rasaas ay is weydaarsadeen ciidamo Boolis ah, kadibna ay ciidamo kale halkaasi tageen kuwaasoo dagaal la galay ciidamo la sheegay inay madani yihiin iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Jowhar.
Dagaalkaasi ayaa sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay laba maleeshiyo oo ciidamada madaniga ka mid ahaa, waxaana xaalada la qaboojiyay xalay saqdii dhexe markii ay halkaasi gaareen ciidamo uu watay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh-Dhexe Axmed Meyre Makaraan.
Xaalada ayaa la sheegay inay saaka degan tahay, iska hor imaadkii xalay ka dhacay magaalada ayaa lagu macneeyay kala shaki ciidamo ku wada sugan magaalada.
Goobjooge.com