Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray ciidamo ka wada tirsan milateriga Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana dagaalku ka dhacay egaanka Xawaadley ee degmada Balcad oo xiisad ay ku dhex martay ciidamada ka wada tirsan kuwa milateriga.
Muranka keenay dagaalka ayaa salka ku haya Dhul-beereed la isku heyso oo muddo dheer soo jiitamahyay, waxaana ku kug yeeshay saraakiil ciidan oo dagaal geliyay ciidamadii ay kala hogaaminayeen.
Waxaa la xaqiijiyay in lix qof lagu dilay dagaalka oo ciidamo iyo shacab isugu jira, iyadoo dhaawacu ku dhow yahay 10 kale.
Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ay dhexdooda ka dagaalamaan, waxaana dhacdooyinkan ay ku soo noqnoqdeen Muqdisho iyo gobollada dalka.
Goobjooge.com