Monday, June 23, 2025

Ciidamo ka yimid Sh/Dhexe soo gaaray duleedka Muqdisho iyo xaalad Milateri oo laga dareemay gudaha…

Waxaa isa soo taraya warark ku saabsan in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ee fadhigoodu ahaa Gobolka Sh/Dhexe ay soo gaareen qeybo ka mida magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay gadoodsan yihiin, kana horjeedaan muddo kororsiga Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyagoo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan, waxaana degaanada soo galeen ka mida Gubadley iyo degaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ah dhinaca W/Bari ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamadan kasoo ruuqaansaday Gobolka Sh/Dhexe ay ka tirsan yihiin Guutada 27-aad ee ciidamada xoogga dalka, waxaana magaalada Muqdisho laga dareemay dhaqdhaqaaq kale oo ciidan.

Ad

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Yuusuf Odowaa Raage ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii ciidamadan dib loogu celin lahaa fariisimahoodii, mana jiraan wax horumar ah oo laga gaaray arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON