Thursday, July 3, 2025

Ciidamo Kenyaan ah oo afka duubtay oo Gurigiisa ku khaarijiyay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milateriga Somalia

Ciidamo Kenyaan ah oo afka soo duubtay, isuna ekeysiiyay Alshabaab ayaa khaarijiyay sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya markii ay ku weerareen gurigiisa degmada Ceelwaaq.

Ciidamada Kenya ayaa saaka dilka kula kacay Dhamme Maxamed Aadan Yuusuf  oo ka tirsanaa milateriga Soomaaliya, kana mid ahaa saraakiisha sare ee aqoonta leh, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada Kenya ee u soo tallaabay dhinaca Soomaaliya ay wateen dhowr gaari iyo calanka Alshabaab, afkana ay soo xirteen.

Iska hor imaad dhex maray ciidamada milateriga Soomaaliya ee ku sugnaa Ceelwaaq ayay dadka degaanka sheegeen in loo qaatay Alshabaab, balse markii ay dileen sarkaalka ay galeen gudaha Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga Gobolka Gedo ayaa sheegay in Kenya ya sameysatay ciidamo gaara oo ay dooneyso inay ku khaarijiso saraakiisha Soomaaliyeed ee ka hor yimaada damaceeda dhul balaarsiga ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON