Madaxweynaha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7-April-2016-ka xarunta Madaxtooyada ee Garoowe Tababar ugu soo xiray ciidamo loo tababaray ilaalada Madaxtooyada Puntland oo 60 maalmood ah tabbarro ku qaadanayay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.
Ciidankan ayaa loogu talogalay amamanka fadhiga madaxweyne Gaas ee labada magaalo, waxayna kaloo faragelin karaan xaaladaha degdegga ah iyo ka qeyb galka dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab, waxayna ciidankani tiradoodu gareysaa 16o-askari.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dadaal weyn loo galay tayeynta iyo qalabeynta laamaha kala duwan ee ciidanka taas oo sabab u noqotay in ay toddoba cisho gudohood kusoo afjaraan hawl-galkii Puntland lagaga sifaynayey kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.
DAAWO SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM