Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maqribkii Caawa rasaas ku furay Isgoys mashquul badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ciidamadan Milateriga ah oo watay Gaari kuwa dagaalka ah ayaa lagu hakiyey Isgoyska Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo ay doonayeen inay xoog ku maraan, halkaasoo ay ciidamada Booliska dowladda ku baaraan gaadiidka, ahna goob si weyn u mashquusan oo gaadiid fara badan mar waliba yaallaan, Waxaana dhacday inay isku dhaceen ciidamada gaariga watay iyo kuwii Booliska, taasoo keenay inay rasaas furaan, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawa, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.
Rasaasta ay fureen ciidamada Milateriga oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 3 qof oo isugu jira askar Boolis ah iyo dad shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 9 kale, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamadii galkaasi geystay ay baxsadeen.
Ciidamada Milateriga oo hubka dagaalka ku dhex wata magaalada ayaa marar badan dad ku laayey wadooyinka Muqdisho, waxaana dagaal dhex marayaa ciidamada Booliska ee suga amniga caasimadda.
