Thursday, June 26, 2025

Ciidamo Soomaali Nooc cusub ah oo la dejinayo xarunta Jaamacadaha ee laga raray AMISOM

Iyadoo maanta ciidmadii AMISOM ee mudadda dheer ku sugnaa saldhigga xarunta Jaamacadaha ee Muqdisho ayaa la sheegay in ciidamo cusub oo Soomalai ah la dejinayo.

Dhismooyinka jaamacadaha oo hoy u ahayd ciidamada AMISOM ee ka socday dalka Brundi ayaa loo qoondeeyay in la dejiyo ciidamo loogu talogalay sugidda ammaanka Muqdisho oo ah kuwa Birmadka Booliska oo la sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay.

Ciidamada Birmadka ayaa qeyb ka ahaa howlgalka caasimadda Muqdisho ee bilowday horraantii bishii Ramadaan, waxaana laga soo wareejiyay xaruntoodii hore ee Booliska Gobolka Banadir.

Ciidamadii Brundi ee laga raray jaamacadaha ayaa la sheegay in la kala geeyay magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe iyo Laanta-buuro, gobolka Sh/Hoose.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON