Sunday, July 13, 2025

Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha Nabadsugidda oo howlgal ka sameeyay degaanka Ceelasha

Ciidanka nabad sugidda Soomaaliya (NISA) oo uu hogaaminayo taliyahooda Jeneraal C/raxmaan Maaxamed Tuuryare  ayaa saaka howlgal  degdeg ah ka fuliyay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaaladda Muqdisho, iyagoo  kusoo qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo algu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin Alshabaab.

ciidamada_Alfa_Group_Baaritaan

Waaberigii saaka ayaa degaanka Ceelasha waxaa ku dul habsaday ciidamo fara badan oo  diiday dhaqdhaqaaqii dadka , waxayna baaris guri guri ah ka bilaabeen halkaasi xilli dadka intiisa badan ay hurdeen. Sidoo kale waxaa la baarayay Gaadiidka wadada maraya.

 

Tirada dhalinyarada howlgalkan lagu soo qabtay ayaa la sheegay inay dhan yihiin 11 ruux, wuxuuna socday howlgalka dhowr saacadood, ragga la soo qabtayna waxaa loo gudbiyay xabsiyada ciidamada nabadsugidda oo baaritaan lagu sameyn doono sida sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga u sheegay Warbaahinta dowladda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON