Ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Sheekh Maxamuud C/Nuur (Janan) ayaa xalay saqdii dhexe kadib weerar ku qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Ciidamadan ayaa weerarkooda ka bilaabay saldhigga Booliska degmada Beledxaawo oo ay dagaal kula galeen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa, waxaana halkaasi lagu dilay taliye ku xigeenkii Saldhigga Xidigle Maxamed Cabdi.
Wararka laga helayo ilo ku sugan degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in ciidamada C/rashiid Janan ay qabsadeen qeybo ka mida degmada Beledxaawo oo weerar kedis ah ay ku galeen, iyadoo markaas kadib uu dagaal culus ka dhacay gudaha magaalada iyo dhismooyin ay dusha sare ka fuuleen Ciidamada magaalada soo weerarray.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in rasaas goosgoos ah ay ka socoto gudaha magaalada oo dhismooyin ka mida ay ku jiraan ciidamada uu wato C/rashiid Janan, waxayna ka dagaalamayaan aagga Maqaayadda loo yaqaan Nadar ee xaafadda dhabad..
Dagaalka ayaa soo xoogeystay markii ay kusoo biirana ciidamada dowladda ee ku sugan Beledxaawo ee Milatariga Gogorgor iyo Booliska Haramcad, waxayna dowladda Soomaaliya sheegtay inay dib u caabiyeen dagaal ay sheegeen inay kusoo qaaday jabhad ay Kenya soo abaabushay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..