Sunday, July 13, 2025

Ciidamo uu wato Jen. Indha-cadde oo la wareegay Daljirka Dahson iyo ciidamada Dowladda oo xiray..

Ciidamo uu hoggaainayo Jen. Yuusuf Siyaasd Indha-cadde ayaa caawa la wareegay Taallada Daljirka Dahsoon iyo agagaarkeeda oo Berri la filayo inuu ka dhaco bannaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Jen. Indhacadde ayaa lagu arkay isagoo kormeeraya Taallada Daljirka Dahsoon, waxaana ciidamada la dhigay dhammaan jidadka soo gala fagaaraha Daljirka, wuxuuna sheegay inay sugayaan amniga bannaanbaxayaasha ayna diyaar u yihiin inay xaqiijiyaan amniga goobtaasi.

Dhinaca kale wararka laga helayo hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska gaarka ah la dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo xaaladda caasimadda ay caawa degan tahay, laakiin ay ku jirto xaalad cusub oo aan hore usoo marin.

Isgoyskayada waaweyn ee ay xireen ciidamada dowladda waxaa ka mida Zoope. KM4, Banaadir iyo Jidadka Wadnaha iyo Maka Almukarama. Waxaa kaloo la xiray wadooyinka soo gala jidadkaasi oo lagu arkay ciidamada Haramcad, waxaana loo diiday dhammaan gaadiidka kusii jeeda bartamaha magaalada, waxaa kaliya la ogol yahay kuwa ka baxaya.

May be an image of 1 person and road

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON