Sunday, June 22, 2025

Ciidanka Kenya oo burburiyey Xarun Isgaarsiineed ay leedahay shirkadda Hormuud (Sawirro)

Iyada oo ay weli sii socoto burburinta Ciidanka Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka & Gedo ayay ciidamada Kenya waxay mar labaad bur buriyeen xarun ku taalla deegaanka Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland.

Ciidamada Kenya ayaa bur burinta xarumaha u adeegsaday miinooyin waa weyn, iyadoo ay bur bureen Tower-adii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkii isgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii isgaarsiinta, motooro iyo gawaari.

Waxaa hadda hawada ka maqan isgaarsiintii deegaanka Jaldeys, iyo Tuulooyinka hoos yimaada iyadoo uu hakad galay isticmaalka adeeggayada muhimka u ah isu socodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay dadka noloshoodu ku tiirsaneyd arrintaas oo sababi karta barakac ku yimaada dadka ku nool deeganadaasi.

Ad

Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka Kenya oo wata gawaarida dagaalka ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leheyd deegaankaas, iyagoona baaq u diray Dowladda Soomaaliya in ay arrintan wax ka qabtaan.

Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

12 xarumood ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom ayay horey ciidmaada Kenya u burburiyen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ay arrintaan uga hadlayaan.

Image may contain: outdoor
Image may contain: outdoor
Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON